Latest Article

6/recent/ticker-posts

SHUKAANSIGA MIYIGA.





Miyigu wuxuu leeyahay dhaqan ka duwan kan magaalada aad bay ukala fogyihiin sida ay uhaasaawoodaan reer miyiga iyo reer magaalku hadaba waxaan xogaa idin kagasoo gudbinayaa hasaawaha miyiga.

Reer miyigu waa dad xikmad badan oo adeegsada erayo macna fog aad ay iskugu fahmi karaan labada qof oo sheekaysanaya xiligaas, rafaad badan baa loomaraa in gabar miyi joogta aad xiriir usoo gudbisato sababtuna waa adinka oo aad ukala fog aalad layskula xariirana aan haysan intaas waxaa dheer hawsha maalinlaha ah oo labada qofba ku taxaluqda.

Qaabka ay isku shukaansadaan hadaan guda galo laba si bay isku waraystaan:
Midi waa adinka oo maalin kulma oo xoolaha dhexdooda isku arka halkaas oo ay xoogaa waqti kuwada qaataan hadallana isku dhaafsadaan hadday is fahmaan waxaa loo gudbaa in xilli habayna gabadha gurigeeda lagu ballamo halkaas oo masaafo dheer ninku usoo maro waxaana habaynkaas dhex mara sheeko waddo usii sammaysa xiriirkooda badaana way isku fahmaan ilaa ay guurkoodu halkaas ka bilowdo.
Tan labaad waa mid ka duwan tan maalinkii oo gabadhii oo caawa fiidkii seexatay baa intii guriga loosoo dhexgalo oo madaxa laga faristo ayaa lakacshaa hadday qof wax fahmaysa tahay waxay ubadantahay in ay xoogaa is waraystaan lakin waxaa macquula in halkaas laysku fahmi waayo oo gabadhu ninka jaanisba udiido asna uu ku khasbo inay lahadasho muranka halkaas ka bilowda waalidka baa ku kaca is cayrsi iyo in wiilku cararo asaga oo aan waxba faa,idin baa kulankaas kusoo dhamaada.

Labadaas qaab bay reer miyigu wax ushukaansadaan waana nolosha dhabtaa oo soomaalidu kusoo wada dhaqmeen bari samaadkii waxaa yarayd gabar waalidkeen lagasoo doonto oo ay baxshaan labada qof ayaga baa sheekadooda dhammaysta kadibna heshiiya is guursadana.

Waa nolol qurxoon nin jilicsanna uusan ubareeri karin qol mugdi ah oo dadkii dhamaa hurdo inaa habayn barkii gashid masahlana oo waxkasta waa kala kulmi kartaa waxaana karti dheeraad ah ahayd in gabar waalidkeed kahuruda aad sheeko layeelato.

Haddii ay labada qof oo sheeko wadaaga ahi is fahmaan guurna ku heshiiyaan habayn madaw bay isla fakadaan waliba ayaga oo laguynaya waxayna lug ahaadaan muddo masaafo badan ah oon, gaajo iyo daal intaba waa lala kulmaa kadib baa lamehershaa halkaas ayaa waxaa ka bilowda nolol macaan oo ah in labadaas isku raaxaystaan isla habaynkaas buu ninku qoftiisa kor kaga yimaada waxaas oo uu ilaa waa bariga raaxadaas ay ku jiraan kadibna gurigii baa lagu noqdaa halkaas baana reerkaas lagu dhisaa.

Post a Comment

1 Comments

  1. War gabdha baadiyaha waa loo geed fadhiisanjiray waa maxy baxsadku🤣

    ReplyDelete