Latest Article

6/recent/ticker-posts

MIRAHA DHIRTA EE AYNU CUNNO.



Miraha dhirta oo lacuno aad bay utiro badan yihiin waliba soomaalidu miro badan bay manaafacsadaan ayaga oo marar badan gaajo ucuna marna macaansi ucuna.
Miraha lacuno waxaa ka mid ah:



1:MURUX: waa miro macaan oo qolof kor ku leh gudahana mir gaduudan oo macaan badan kaga jirto mirtu waxay sii leedahay laf latufo marka hilibka laga dhammaysto walow xilliyadii hore oo gaajo jirtay laftaas lakarsan jiray, waxayna ka baxaan geedka garaska.



2: XAMUR: waa miro gaduudan oo maccaan badan waxayna baxaan xilliga xagaaga geedka xamurka bay ka baxaan waana miro dad badan jecel yihiin.



3: HOHOB: Hohob waa miraha ugu macaan miraha baadiyaha laga cuno waa miro yar-yar oo qolof korka ku leh markii laga fiiqo qoloftaas baa lootagaa Mirtii oo aadan macaankeeda iska qaban karin, geedka ay ka baxdo waa hohob. 



4- DHAFARUUR: midabkoodu waa jalle waa miro dhacaan dheg-dheg ah leh xaqiiqdii waxay leeyihiin dhadhan wadne qabad ah aad baa macaanku ugu badan yahay marka hilibka laga dhammaysto waxaa lootagaa laf waana latufoo laftaas, geedkooda waxaa looyaqaan Dhafaruur.

5- MIRO-CAS: Midabkoodu waa gaduud macaan wayna ka yar-yar yihiin dhafaruurta ayaguna laf latufo bay leeyihiin geedkooduna waa miro cas.






6 - ANEEXO: waxay ka baxdaa geed yar oo dhulka ku dhegan waana miro gebi ahaantoodba caloosha lagasho oo aan wax laf ah lahayn.



7- ASKAX: waa miro gaduudan dhacaan badanna leh ayaga waxba kama haraan oo waa lawada cunaa, geedkooduna waa geed dheer oo badana geedaha ka dhex baxa kaligiis meel uusan istaagi karin oo dabaysha baa ka xoog badan.

8- YICIB: waa miro usamaysan sida lawska dadka waa weyn aad bay ujecel yihiin inay cunaan, geedka ay ka baxaan waa yicib badanaa dhulka ciidka ah buu aad uga baxaa.

Waxaa kale oo jira geedo badan oo xididkooda laqoto kadibna lacuno waxaana ka mid ah LAWSKA, GOCOTADA, IYO QUWAAXA.


Post a Comment

2 Comments