Latest Article

6/recent/ticker-posts

FAA,IIDOOYINKA IYO WAXYEELADA CAANAHA LO'DU ULEEYIHIIN JIRKA BANI AADAMKA.

 


FAA,DOOYINKA CAANAHA LO'DA:

Caanaha lo'du waa caano qiimo badan oo jirka bani aadamka waxtar badan uleh badanaa dadka waa weyn iyo yar-yar ba waa lasiiyaa qiimaha lagu gado markasta way ka badanyihiin qiimaha caanaha kale sida ariga iyo geela waana sababta kowaad oo kuu caddaynaysa inay ka faa,ido badan yihiin caanaha kale.

Faa,iidooyinka waxaa ka mid ah;

●waxay daawo uyihiin xanuunada caloosha ku dhaca sida boogaha caloosha gudeheeda kasoo baxa iyo gaastariko. Sidaa si la mid ah caanaha lo'du waxay yareeyaan aashitada caloosha, waxayna  caawiyaan yaraynta laab-jeexa.

●waxay hagaajiyaan shaqada wadnaha sida ay sheegaan saynisyahannadu haddii maalinkasta aad cabto hal galaas oo caano lo' ah khatarta wadna xanuunku 50% hoos buu udhacayaa, waxaana sii wanaagsanaata shaqadii muruqa wadnaha. Caanaha lo'da ayaa saamayn xoogan ku leh koritaanka caruurta, waxaa xoojiyaan lafaha iyo ilkaha, waxay jilciyaan ama dabciyaan xididada dhiiga.

•waxay xoojiyaan habdhiska dareenka cabista caanaha lo'da xilliga aroortii waxay kor uqaadan dareenka aadanaha, waxay kale oo wanaajiyaan inaa hurdo fiican oo xilli horaba kasoo dhacda aad hesho.

•waxay hoos udhigaan miisaanka sida la xaqiijiyay dadka caba caanaha lo'du waxay lumiyaan 5kg oo ka badan kuwa aan cabbin caanaha.

• waxay daawo uyiihin madax xanuunka haddii aad qabtid madax xanuun joogto ah cabista asbuuclaha ah ee caanaha lo'da oo lakariyay laguna daray ukun ciiriin ah ayaa hoos udhigaya ama kaaba tirtiraya madax xanuunkii joogtada ahaa, caanaha lo'du waxay yareeyaan  dhiig karka.

• Caanaha lo'du waxay qooyaan maqaarka, waxay yareeyaan cuncunka iyo bararka.

-WAX YEELADA CAANAHA LO,DA ;

•Caanaha lo,du waxay keenaan shuban waana sababta dad badan aysan ucabin ayaga oo ka cararayaa shubanka.

• Caanaha lo'du waxay keenaan xasaasiyad badanaa dadka qaba xasaasiyada ma jecla cabista caanaha lo'da, ayaga oo ku keeni kara matag, lalabo, finan, dibiro iyo cuncun.

• Waxaa ku jira maadooyin keena "atherosclerosis" waana sababta loogu diido dadka ka jira 50 ka sano ama ka waa weyn, madaama da'daan tahay khatarta ah inuu ku dhaco atherosclerosis. 

Post a Comment

1 Comments