Dhirtu waa lafdhabarta aadanaha waxay waxtar badan uleedahay noole kasta oo dunida jooga, dhirta waxaan ka helnaa hoos, qurux, daawo, miro, xoolaha oo daaqa, dugsi, iwm.
Dhirtu waxay uqaybsantaa kuwo iniinyo leh iyo kuwo aan lahayn, waxaa kale oo ay uqaybsantaa kuwo qodax leh iyo kuwo aan lahayn walow kuwa qodaxda leh ay badan tahay.
Dhirtu waxay soo saartaa midho, caleemo, xidido iyo jirrid kuwaas oo ay cunto ka dhigtaan dhammaan noolaha adduunka jooga xayawaan iyo dad ba.
Waxaa jira noocyo badan oo dhir ah kuwaas ay ka mid yihiin beeraha, kaymaha iyo dhul-daaqsimeedka. Meelaha dhirtu ka baxdo xooluhu waa ku kala badanyihiin meelaha dhirtu ku badan tahay xoolo badan baa jooga halka meesha ay ku yertahay sida (kaymaha) aysan xoolo badan joogin ama aysan ku noolaynba.
Dhirtu waa noolaha kaliya oo cuntadooda samaysta ayaga oo isticmaalaya habka cunto samayska (photosynthesis).
Qaabka ay dhirtu ubaxdo waa kala duwan yahay kuwo kor bay ubaxaan oo waa dhir dhulka kor uga qaadan haba kala dheeraadaane kuwa korka ubaxa waa dhirta qoraxda laga harsado roobkana laga jirsado, waxaa kale oo jira dhir aan kor ubixiin oo dhulka ku fida kuwaas xoolo iyo dad toona ma hoos geli karaan oo dhulka bayba ku dheganyihiin badanaa dhirta qaybta qodaxda leh oo hoos ubaxdaa dhib bay ugaysataa dadka iyo xayawaankaba ayaga oo qodaxdoodu muddo, badanaana xayawaanka bay dhib ku tahay oo qodaxda muddaa in badan bay udhutiyaan ilaa ay helaan qof ka baxsha meeshaas uma buskooto, dadka ay qodaxdu muddo qayb way iska baxshaan qaybna intay ku fogaato bay naafo unoqdaan.
Meelba meesha ay ka dhir badan tahay way ka nafac badan tahay oo dhirta badani roobka bay soo jiidataa markay roobka heshana waxay soo saarta nafac tira badan oo xilli roobaadka iyo abaartaba xooluhu daaqan.
Dhirtu waa daawo lagu daweeyo xanuuno badan oo dadkeenii hore daawo kale ma aysan isticmaali jirin dhirta bay xanuunkaas kula tacaali jireen ayaga oo isticmaalaya xididka, mayraxda iyo caleenta geedka.
Madaama noloshu ku tiirsantahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimadka dhirta, qofkii hal geed gooyaa waa inuu saddex geed uu beeraa si uusan dhulku nooga xaalufin.
3 Comments
Zxb qaybta jacaylka goorma noso gudbin wn ku daalnay hawlaha kale
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDelete👋
ReplyDelete