Latest Article

6/recent/ticker-posts

WAXTARKA CAANAHA GEELA

 


Caanaha geelu waa cabitaanka ugu qiimaha badan uguna muhiimsan waxyaabaha lacabo, hadday waxtar tahay, hadday daawo tahay iyo hadday iib tahayba.

Caanaha geelu waa daawo dabiici ah waxaana lagu daaweeya cudurro tiro badan sida sanboorka, macaanka (sonkorta), neefta iwm.

Daawada cudurada markii laga soo tago dadku waxay aad ujecel yihiin isticmaalkooda oo qofkasta oo bani aadam ah inuu cabbo wuu jecel yahay, waxaa si gaar ah u isticmaala dadka waaweyn (shaybka ah) iyo qofkii xanuusan oo aan wax kale ka degayn, qofku asaga oo aan wax kale cuni karin caanaha geela wuu cabbi karaa oo allah sw ayaa fududeeyay in xilikasta naftu ubaahantahay, waxyaalaha layaabka ah oo caanaha geelu gaar layihiin waxaa ka mid ah muddo badan bay oolaan karaan ayaga oo aan xumaan, oo caanaha geela 7beri way dhigmi karaan iyaga oo mara xaalado kala duwan, marka lasoo liso waxaa looyaqaan dhay, maalin ka dib waxay noqdaan suusac, suusacaas ka dib waxay noqdaan karuur waana xiliga ay ugu macaan yihiin in lacabo, karuurka markay dhaafaan ayaga oo dhanaan xitaa waa lacabi kara, xikmada ku jirta waxaa weeye caanaha geelu si kasta oo ay uyaalaan marna ma xumaadaan oo ma noqdaan wax qurmay oo la naco.

Dhakaatiir tiro badan oo soomaaliyeed waxay sheegan in ay caanaha geela ay ku jiraan nafaqooyin ufiican korriimada jirka sida Calcium, thiamine iyo pottacium oo uwada fiican korrimada jirka.

Dhulka soomaaliyeed waa meesha ugu badan oo geela lagu dhaqdo 8 Milyan in ka badan oo geel ah baa ku dhaqan dhulkeena hooyo, hadaba hadday tahay meesha ugu badan oo geela lagu dhaqo waa in waxkasta oo geelu gaar layahay ay ahaato meesha ugu badan oo laga helo.

Post a Comment

5 Comments

  1. Waa beenlow caanaga geela waxba ma taran😁

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Waa caanaha geliya uu science kusheegay inay wax allergic(xasaasiyad) ah lahayn halka caanaha lo'du ay leeyihiin boqoley badan oo Allergic ah .

    ReplyDelete