Latest Article

6/recent/ticker-posts

WAXTARKA CAANAHA ARIGA?

 Caanaha arigu waxay waxtar uleeyihiin bulshada qaybeheeda kala duwan, waana caanaha loogu isticmaalka badan yahay.


Caanaha arigu waxay leeyihiin dufan jirka caafimaad badan uleh, sidaa awgeed caruurtu marka ay yar-yar yihiin waa caanaha lagu habo, dadka waa weyn oo jirkoodu daciifay ama daafaca jirkoodu yaraaday ayagaa lasiiyaa si ay awood uga helaan, sababtoo ah caanaha arigu waxay kor uqaadaan awoodda jirka waana caanaha kaliya oo jirku protein ka helo.
Ummadda soomaaliyeed 75% waxay isticmaalaan caanaha ariga hadday caddays tahay, hadday iidaan tahay iyo hadday dhamid tahayba.
CADDAYS:in caanaha shaaha lagu daro.
IIDAAN: in caanaha cuntada lagu daro sida raashinka oo kale.
DHAMID: in caanaha cabitaan ahaan loocabo.

Caanaha arigu waxay maraan saddex marxaladood
1:DHAY caanaha markaas rida laga liso waana kuwa caddays ahaan loo isticmaalo waana lacabaa markay xoorta leeyihiin.
3:SUUSAC caanuhu marka ay dhayda dhaafaan aysan marxaladii 3aadna gaarin caddaysna magalaan markaas cabbid maahane.
3:GAROOR waa meesha udanbaysa oo caanaha arigu gaaraan marka ay laba bari yaalaan bay garoor noqdaan waana marka ay umacaan yihiin in lacabo ama cuntada lagu iidaanto.
Caanuhu markay garoor dhaafaan isticmaal danbe maleh oo wayba qurmaan hadday sii yaalaan.

Caanaha arigu waxay caafimaad uleeyihiin wadna xanuunka oo ah xanuun halis badan ku hayaa soomaali badan.

Post a Comment

0 Comments