Latest Article

6/recent/ticker-posts

WAA MAXAY ARI ?

 Ari waa xoolo naaslay ah kuwaas oo ubucda hoose ku leh laba naas oo caano laga helo.

Arigu wuxuu uqaybsamaa laba qaybood riyo iyo ido, riyuhu waxay uqaybsamaan dheddig iyo Lab kan dheddig waxaa layiraahdaa ri, kan labna orgi, iduhu sidoo kale waxay uqa,ysamaan dheddig iyo Lab, kan dheddig waa lax kan labna waa wan.


RIYO: riyuhu sida guud waxay usamaysanyihiin neef cad  geeso dheer sayntuna kor utaagan tahay, walow ay jiraan riyo midabo kale leh sida madaw ama gaduud,waxaa kale oo jira riyo aan geeso lahay kuwaas oo looyaqaan (Seenyo) rida seenyood dhibka ugu weyn oo ay qabto waa in riyaha kale oo geesaha leh ay dilaan ayaduna maleh wax geeso ah oo ay iskaga celiso.
SEENYO: waa rida aan wax gees ah lahayn.


IDO: iduhu sida guud waxay usamaysanyihiin neef inta hore (qoorta) ka madaw intiisa kalana ka cad, oo aan wax geeso ah lahayn, gadaal ku leh dabo weyn (bari) iyo sayn yar oo hoos ulaad-laada.
Sidaa si la mid ah waxaa jira ido xitaa qoorta ka cad kuwaas waxaa looyaqaan (galaalo), waxaa kale oo jira kuwo midabkoodu madaw ubadanyahay oo meel dhif ah ka cad.
GALAAL: waa neefka idaha ah oo qoorta ka cad.

Arigu wuxuu waxtar weyn uleeyahay bani aadamka nool manaafacaadkiisana qofkasta wuu ubaahanyahay, umalaynmaayo inay jirto reer meel degan oo ariga nafaciisa ka maarma hadday caano tahay, hadday hilib tahay, hadday lacag tahay iyo hadday dhaqasho tahayba.
Intaas aan soo sheegnay reerkii aan wada kulansan qayb ka mid ah buu haystaa, subax kasta oo waa beryana intaas waa la isticmaalaa oo qofna kama maarmo.
Reer miyi iyo reer magaal intuba way dhaqdaan ariga, lakiin waxaa dhaqashada ubadan reer miyiga oo ayagu  noolaan karin ari la,aan hanti ugu badan oo reer miyigu ku tiirsan yahay waa ariga.

Post a Comment

0 Comments