Latest Article

6/recent/ticker-posts

LO,DA MAXAA KA TAQAAN ?

 


Lo,du waa xayawaan dab joog ah waxayna ka mid tahay saddexda meesi xoolaad oo soomaalidu dhaqato aad kana ujeceshahay, waa xayawaan naasley ah waxaana laga helaa caano aad ubadan waxatarkoodana aan lasoo koobi karin.

Lo,du waxay ukala baxdaa lab iyo dheddig, lo,da kiisa lab waxaa looyaqaan dibi waana xayawaan xoog badan halistiisuna badan tahay hadday dagaal noqoto waa khatar inuu gees caloosha kaaga soo rido. Kan dheddig waxaa lagu magacaaba sac waana kan caanaha laga liso wuxuu leeyahay afar naas oo caano badan dhiiqa, sacu waa kan dhala oo tarmiya lo,da asaga laftirkiisu waa neef xoog badan. ilmaha yarka oo sacu dhalo markuu yar yahay waxaa lagu magacaabaa weyl.

Dhinaca kale lo,da labeed oo looyaqaan dibiga waxaa loo isticmaala in beeraha lagu qoto, wax lagu jiito iwm.

Lo,du waa meesiga saddexaad oo soomaalidu aadka ujeceshay marka laga soo tago geela iyo ariga oo kow iyo labo ah jacaylka soomaalida.

Sida aan wada ogsoonahay lo,da waa xoolo muhiim ah aadna uqiimo badan ayada oo aynu ka helno hilib aad unafaqo badan oo jirka bani aadam ku ubaahanyahay, dhogor laga sameeyo dharka, xarkaha iwm. Saxarada ama digada lo,da waxaan u isticmaalnaa in Carrada lagu nafaqeeyo, si meeshaas digada lagu nafaqeeyay ay dalag fiican usoo saarto waliba si dhaqso ah.

Isku soo duuboo lo,da waxa ku nool ama ay quudisa aadama adduunka ku nool ayado hilibkeeda lacuno, caaneheedana la cabo.

Post a Comment

1 Comments