Waa maxay hees hawleed ?
Hees hawleed waa erayo lagu dhawaaqo marka hawsha laqabanayo si shaqadaas culayskeeda iyo dhibkeeda aan loodareemin.
Hadaba geelu wuxuu leeyahay hees hawleedyo ugaar ah marka lashubayo, marka ladheelmayo, marka uu geediga yahay iyo marka larabo in la aamanaba.
Heesta marka lashubayo:
Sabuun cadartii
Saliida udgoon
Waa nasaaqdaye
Ma adiga sida,
Feedha dhiman bay
Dhaami leedahay
Anna dhabarkiyo
Meel dhexdaasoon
Jeer udhacaybaan
Dhawr is leeyahay.
Heesta Marka uu uusoofka yahay:
Meesha ariga iyo
Awrtu daaqaan
Anaa ku ogoo
Ayro kuma samid.
Heesta Marka uu geediga yahay:
Xas jadeerliyo
Hadaan xagar jiq ah
Looga Xero dhigin
cuudku maxasilo.
Heesaha marka ay amaanayaan:
Geesi gacantiyo
Garbahaa weyn
Gaari guudkiyo
Gambadaa weyn
Gorey gudihiyo
Gumbadaa weyn.
Hees hawleedka geela wax lasoo koobi karo maahan geel jiruhu aad bay umaanaan geela waxaana sabab u ah in amaanta loobadiyo waxtarka uu bulsha ku dhex leeyahay wax udhigma ama udhow toona dunidaan lama keenin.
Marka hees hawleedka geela wiil cod macaan u ku luuqaynayo bartaa maraysid baa intaa istaagtid baa iska dhegaysanaysaa erayada afkiisa kasoo baxaya macaankooda iyo amaanta neefkaas la amaanayo sidii heesaha qaraamiga ah loogu raaxaysto ayaa tan geelana loogu raaxaystaa.
2 Comments
Masha allh horay usoco wall
ReplyDeleteWxbadan. Ba ka faaidnay macalin
ReplyDelete