Latest Article

6/recent/ticker-posts

HEES HAWLEEDKA ARIGA

 


Sida wada ogsoonahay meesi kasta oo xoolaha ka mid ah wuxuu leeyahay hees hawleed ugaar ah oo isaga loo qaado, hees hawleedku wuxuu fududeeyaa ama laysku dhaafshaa hawsha markaa laqabanayo, arigu wuxuu leeyahay xilliyo badan oo looheeso, sida marka lashubayo (waraabinayo), marka ladaajinayo, marka la aroorinayo, marka uu geediga yahay iyo waqtiga maqasha loodhigayaba.

Hees hawleedka Riyaha.

Garoy garo daa
Oo garbacas daa
Adna giiroy
Ka gu, weynide
Guuxa hoosiyo
Gardarada daa.

Gar nin gobaley
Gurdan faras lay
Gabooye colley
Goojiyaa timid.

Qarashay maadahaa
Oo waa maalin dhow
Oo midi dhashaa
Oo midi dhaqayo
Oo laga dhiijiyaa
Oo dhiil looculaa
Oo lagu yara dhigaa
Oo laga dhaashadaa.

Hees hawleedka maqasha.

Maqalay warlay
malaguu waramay
Yaa ii waramay
Ma walaalkaybaa
Webi hoose iyo
Waaleed ka yimid.

Hoobalaw hoobeey
Waa waxaro jiidaaley
Jiid-jiidanoo jabaney
Oo jeenyo dhaadheerey
Riyahana abaar jaqayay
Oo jimir yaroo godaney
Hay johorodaysteeney
Rabbiyow jirka ukeeney.

Hees hawleedka Idaha.

Hees hawleedka Idaha.
Dayloy dar-maran
Oo doqon ku jiro
Ha usoo durdurin
Waa lagu duryaa.

Awlalka xarkagay
Ee xayaabada
Xagga hoosiyo
Xagga sare uleh
Xaaxeey mooyee
Xoola kale maleh.

Galaalo ilmaha
Gosha geliyoo
Geed har-weyn iyo
Galool uhargee.


Daylo foorara
Adoo foorara
Foorihii gu,ga
Fooda kaa qabay.


Post a Comment

0 Comments