Latest Article

6/recent/ticker-posts

GEELU INTEE UKALA BAXAA ?

 



Geelu wuxuu ukala baxaa laba qaybood dheddig iyo Lab, ayadoo xayawaanka badankiisu ukala baxaan lab iyo dheddig hadana geelu wuxuu leeyahay laba magac oo ugaar ah.

Waxaa lagu kala magacaaba labada qaybood godol iyo gaadiid.

Godol waa kan dheddig oo lalisto sida halaha, geela kiisa dheddig waa kan geela tarmiya ama badiya asagaa dhala caanaha asagaa laga listaa, haddii meel lagu bixinayana asagaa badanaa lajecel yahay in lakala qaato.

Gaadiid na waa kan lab oo lararto sida awta, gaadiidku waa kan geela alaabtiisa iyo ilmaha yarkaa oo dhasha lagu qaado, asagaa ladhaansadaa oo lagu guuraa oo lagu safraa, reer miyigu kan lab bay ku guuraan oo caruurta aan socodka gaarin fuuliyaan, hadii lacag loobaahdo ratiga bay jecel yihiin inay gataan xitaa haddii hilib loobaahdo asaga ayay qashaan oo hilib ka dhigtaan.

Labada qaybood oo geelu waa lama huraan midkastana gaarkiisa baa loo nafacsadaa haddaysan labadaas qaybood jireen meesha wuu ka bixi lahaa.

MIDABADA GEELA MAXAA KA TAQAAN ?

Geelu wuxuu leeyaha sagaal midab, sagaalkaas midab saddex saddex bay iskula socdaan.

Saddex midab oo cassan ah
Mayay cas
Casaan dhicir ah
Tin gaduud


Saddex midab oo madaw ah
Madaw bacad
Madaw sugul
Dubbe suulal madaw

Saddex midab oo caddaan ah
Dayr-cad
Caddaan xoosh ah
Caddaan xaruur ah.



Post a Comment

1 Comments