Xooluhu waa laf dhabarta aadanaha dunida ku nool.
Waa nimco allah sw uu siiyo qofkuu doono asaga oo ku imtixaamaya, kana qaado qofkuu doono asaga oo ku imtixaamaya.
Xoolaha ama duunyada aynu dhaqanno waxay ka kooban tahay saddex meesi xoolaad Geela, Arriga iyo Lo,da.
Dadka miyiga ku nool ma jiro reer aan haysan saddexdaas meesi oo aan soo sheegnay, reerkii aan saddexdaba haysan waxaa uxaraysan labo ka mid ah.
Bilicda ama quruxda miyiga waxaa qayb muhiim ah ka ah Geela, Ariga iyo Lo,da, oo haddii aysan meesha joogin ma ahan meel aragg ufiican.
Lakiin haddii ay meesha daaqayaan saddexdaas meesi ama mid ka mid ah meeshaasi waa meel dalxiiska ku fiican dadkuna jecel yihiin inay kusoo noqnoqdaan.
Nolosha reer miyigu waxay 100% ku tiirsantahay waa xoolaha nool, hantida kaliya oo ay leeyihiina waa Geela, Ariga iyo Lo,da.
Reerkii intaas haystaa waa maal qabeen oo wax ka maqan oo uu baahi uqabo majirto, halka reerkii aan saddexdaas haysan ama ugu yeraan mid ka mid ah uusan uxaraysnayn looyaqaan (cayr) dadka meeshaas joogana ay yihiin dad baahan oo aan wax ay cunaan iyo waxay cabbaan toonna haysan.
CAYR macneheedu waa qof aan wax xoolo ah haysan oo farabanaan ama baahan.
Dadka ilaahay xoolaha siiyay waxay gacan qabtaan oo ay hantidooda wax ka siiyaan kuwa cayrta ah oo aan waxba uxaraysnayn, waana astaanta dhaqanka u ah dadka miyiga ku nool.
1 Comments
Xoolo dhaqato
ReplyDelete