Geelu xoolo kuma jiro.
Sidee usamaysan yahay?
Geelu Wuxuu leeyahay afar lugood oo cagta hoose (cagaf) ku leh, qoor dheer, sayn Timo ku xardhanyihiin, calool weyn iyo kurus.
Cagaf= waa qolof cagta hoosteeda uu geelu ku leyahay taas oo qodaxda iyo caga gubyada neefka ka ilaalisa.
Allah sw markuu geela ka hadlayay wuxuu yiri. ●أفلا ينظرون الي الإبل كيف خلقت
Dhaqan ahaan geelu waa xoolaha ugu qiimo badan uguna jecel yihiin reer miyigu xoolaha ay dhaqdaan, shayga ugu badan oo ninka miyiga degan uu ku faano waa geela, halka ninkii aan geel lahayna uu ciil qab lanool yahay.
Abwaankii caanka ahaa SAYID MAXAMED ABDILE XASAN waa tuu gabay ku lahaa ((AAKHIRO NIMAAN GEEL LAHAYN LAMA AMAANAYN)), sababta halkaas gaarsiisay waa qiimaha uu ku dhex leeyahay xoolo dhaqatada, asaga oo ka duwan xoolaha kale ee la dhaqdo.
WAXTARKA UU GEELU LEEYAHAY.
Geela waxaan ka helnaa manaafacaad tiro badan oo ay ka mid yihiin caano, hilib, lacag, magta, qaanta iyo yaradka intaba asagaa inta badan lagu baxshaa.
MAG= xoolaha qof marka ladilo reerkooda lasiiyo.
QAAN= xoolaha markii qof dhaawac lagu dhufto dhib ahaan loosiiyo.
YARAD= geela markii gabar la guursado reerkooda xarrago ahaan loosiiyo.
Mucjisooyinka uu kali layahay waxaa ka mid ah kaadidiisa oo haddi lacabo cudurro badan daawo u ah.
1 Comments
Woow masha Allaah waa cilmi badan oo naga maqnaa thnks wll.
ReplyDelete