Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan ilaaliya jiritaanka soomaalinimada inkastoo aad arkayso xaalado beddelaya dhaqankii soo jireenka ahaa oo reer miyiga iyo kii reer magaalkaba oo aan horay loo aqoon.
Si kasta oo is bedel ugu yimid dhaqankii reer miyiga waxaad arkaysaa dhanka isticmaalka weelal dhaqameedka, kan aqal soomaaliga kan hurdada iwm, waxaa jira meelo uu dhulka soomalidu degto kaga sii harsanyahay laguna arko xilliyada burwaaqada ah iyadoo la isticmaalayo.
Nolosha miyiga waxaa kaalin weyn ka qaata dumarka. Iyaga oo cuntada sameeya ariga raaca oo xitaa dhaanka dhaamiya. Dhaanka marka lasoo dhaaminayo wuxuu qaataa waqti dheer. Maalin ama labo ayaa laga yaabaa inuu dhaanku maqnaado meesha loodhaanshay oo fog awgeed. Waxaa layiraahdaa reerku waa dhaansaday marka biyaha ladoono. Madaama hawshaan aad udagtahay, dumarku waxa ay shaqada isku dhaafshaan heeso ay geela utiriyaan. Waxaana ka mid ah heesahaas "SHALAY BUU TIIR KU XIRNAAYOW, MAANTA WAA TUB KU JOOGO WUU TAGOOGO CASOOBAYOW DHULKU TAAKINAYAA." Isla waqtigaas dumarku ratiga Bay amaanayaan oo waxay oranayaa "MARKUU DUUBTA TIDAAYO DURBAAN NAAGO TUMAAYAAN IYO DARUUR HOORTAY LAMOOD." hees awleedyadaan aan soo sheegnay dumarku waxay isku ilawsiinayaan hawsha iyo socodka dheer.
3 Comments
Waxkasta oo aad dhaqanka miyiga uga baahantahay anaga baa kuula diyaara nagu xirnow
ReplyDeleteLph🫡
ReplyDeleteMsha Allah bro
ReplyDelete